Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Bakaal, ayaa mar kale caddeeyay mowqifka Somaliland ee ku aaddan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan xaaladda ka taagan Marinka Qasa. Wasiirku waxa uu si rasmi ah u sheegay in Somaliland aysan marnaba qayb ka noqon doonin qorshayaal lagu barakicinayo dadka reer Falastiin ama lagu faragelinayo arrimaha gobolka Bariga Dhexe.
Isagoo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Daily Euro Times, Wasiir Bakaal ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland ay mar walba taagan tahay mowqif cad oo ah in aanay ku lug yeelan colaadaha iyo khilaafaadka ka aloosan gobolka, balse ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso beesha caalamka si nabad iyo wada xaajoodyo furan loo helo.
“Somaliland waxa ay aaminsan tahay in xal kasta oo siyaasadeed uu ku yimaado wada hadal, waxaana cad inaanan qeyb ka noqon doonin qorsheyaal lagu barakicinayo dadka Qasa ku nool ama khilaafaad siyaasadeed oo aan dani inoogu jirin,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Bakaal.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Somaliland, oo aan weli si rasmi ah u helin aqoonsi caalami ah, ay si taxaddar leh uga fiirsanayso in ay ka fogaato in lagu lug yeesho arrimaha muranka leh ee caalamiga ah, taasoo qayb ka ah dadaallada ay ugu jirto helitaanka taageero iyo aqoonsi caalami ah.
Mowqifka Somaliland ayaa imanaya iyadoo xiisadda ka taagan Qasa ay sii hurayso, waxaana beesha caalamka ay isku dayaysaa in xal waara laga gaaro, iyada oo weli ay jiraan warar sheegaya qorshayaal lagu barakicinayo dad badan oo Falastiiniyiin ah.



