Wasiirka Cusub ee Arrimaha dibadda oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in maanta lagu dhaariyo Wasiirka iyo sidoo kale labo Wasiir oo kale.

Maalinta Berri ah ayaa lagu qaban doona Muqdisho Munaasabad Xil Wareejinta ah, waxaana lagu waddaa inYuusuf Garaad uu xilka ku wareejiyo Wasiirka.

Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu u magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda.