Jabhadda hubaysan ee Muslimiinta Rohingya ee ka dagaalanta dalka Myanmar ayaa waxay sheegeen in ay fuliyeen weerar ay ku qaadeen militariga dalkaasi.
Jabhaddani Muslimiinta Rohingya ayaa bayaanka ay soo saareen waxa ay ku muujiyeen in aysan lahayn khiyaar aan ka ahayn in ay sii wadaan mucaaradnimadooda hubaysan.
Mucaaradka Arakan Rohingya Salvation Army ayaan wax faahfaahin ah ka bixinin weerarkan gaadmada ah oo ay ku qaadeen magaaladda Maungdaw ee gobolka Rakhine,marka laga soo tago in ay sheegteen masuuliyada weerarka.
Waxa ay ku eedeeyeen militariga Burme in ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Muslimiinta Rohingya taasi oo ay sheegeen in ay u dhiganto xasuuq.
Militariga Myanmar ayaa dhankooda beeniyay in ay tacadiyo gaysteen.



