Wasiirka Amniga oo taliye Shaqadda ka joojiyay

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo habeenadii lasoo dhaafay kormeer ka waday xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay booqday degmooyinka Cabdicasiis iyo sidoo kale degmada Xamar-weyne.

Wasiirka ayaa sheegay in dayacaad badan ay ka muuqato Saldhiga Ciidanka Booliska ee degmada Xamarweyne.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Taliyaha Saldhigga Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire  lagu helay howl-gudasho la’aan uuna  shaqada ka fadhiisayay, waxaana uu  si ku meel gaar ah loogu dhiibay G/le Siidow Macallin Isaaq.

Wasiirka ayaa sheegay in uu bilowday isla xisaabtankii , islamarkaana Mas’uuliyiinta Saldhigyadda laga doonaayo in ay shaqadooda qabsadaan.