Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib markii Madaxweynaha Galmudug iyo isaga ay isku fahmi waayeen in xaalad dagaal lagu wajaho ciidanka Ahlusunna.
Waxaa uu sheegay Wasiir Fiqi in aysan marnaba aqbali doonin in xaalad dagaal lagu wajaho culimada Ahlusunna.

Wasiirka ayaa sheegay in iscasilaadiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug uuna qeyb ka noqon doono dadaallada xal loogu raadinaayo nabada maamulka Galmudug.



