Wasiir Odawaa oo gaaray Cadaado

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah ee Galmudug.

Wafdigan oo sidoo kale qayb ka ahaayeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Caddado ku soo dhoweeyay Madax ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug, maamulka degmada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa sheegay in Doorashada sanadkan dalka ka dhacaysa ay tahay mid fursad wayn siinaysa shacabka, sidaa darteedna loo baahan yahay in ahmiyadeeda lagu baraarugsanaado.

1w 2w 3w 4w 5w 3w