Wasiir laga joojiyay in uu u tartamo kursiga Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa diiday inuu u tartamo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tartamayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla Jubbaland.

War saxaaadeed goor dhow ka soo baxay Guddiga ayuu ku eedeeyay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka inuu ku xadgudbay dhamaan shuruucdii iyo hab raacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay.

warqad1