Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Madaxtooyada Soomaaliya ka furmay shirka Tallo Qaran, oo dhowaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka furay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirkan oo isla maanta la soo gaba gabeynayo ayaa waxaa looga hadlayaa ilaa Lix qodob, kuwaas oo kala ah:-
- Cadaalada
- Amniga
- Dhaqaalaha
- Waxbarashada
- Caafimaadka
- Wadanimada
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shirkan soo xiraya.


