Sida ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Khaatuma waxaa Magaalada Diri-dhaba ee Dalka Itoobiya ku geeriyooday Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha maamulka khaatuma Yaasiin Axmed Sulub.
Yaasiin Axmed Sulub ayaa waxaa kusoo booday xanuun deg deg oo dhanka Wadnaha Ah.
Waxaa uu ka mid ahaa Qurba joogta dalka dib ugu soo laabtay , waxaana Sanadyadii lasoo dhaafay uu maalgashi ka waday degaanada maamulka Khaatuma.


