Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Shabeelaha in ay ka dambeeyeen dhaawacii Shalay loo geystay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay xabado ku fureen Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ,islamarkaana Xabadahaasi ay kasoo gaartay Waxyeelo.
Falkaan ayaa waxaa fuliyay ciidanka loo yaqaano Danab sida uu sheegay Gudoomiyaha.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jawaab ka sugaayaan Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Hoose , islamarkaana laga doonaayo in ay soo caddeeyaan falkaasi.


