Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn dalka hadii aanu laheyn sharci rasmi ah in dadka ajaanibta iyo dadka Soomaaliyeed intaba ay ku sameeyaan maalgashi.
Waxa uu sheegay si loo dhiirageliyo dadka doonaya maalgashiga dalka in ay ku sameystaan in la helo sharciyo cadeynaya magdhowyada ay heli karaan dadka marka ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.
“Suuragal ma ahan in dal la maalgashado, hadii uusan laheyn wax shuruuc ah, marka si aan u dhiirgelino Ganacsatada, waxaa muhiim ah in la helo sharci isgaarsiin oo dalkan lagu dhaqo”. Ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay shirkadaha Internet-ka in Wasaaraddu ay diyaar u tahay inay ku caawiso sidii ay u tayeyn lahaayeen adeeggooda, balse dhinaca kale ay u diyaar garoobaan in lagula xisaabtami doono wixii gaabis ah oo dhinacooda ay sabab u noqdaan.
Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo hor yaalla Golaha Shacabka waxaa loogu talo galay inuu difaaco xuquuqda shirkadaha iyo dadweynaha intaba, waxa uuna muhiim u yahay horumarinta Isgaarsiinta dalka, sida uu sheegay Wasiirka.
Hadalkan ayuu Eng. Cabdi Canshuur Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ka sheegay kulan looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in markale ay cilad ku timaado adeegga Viber Optico, maadaama dhowaan fiiladii qadka keeni jirtay ay go’day.



