Wasiir Beyle” Waxaan ku jirnaa Imtixaan”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhibaatooyin badan ka heystaan dadaallada Deyn Cafinta.

Waxaa sheegay in Saddex bilood oo walba ay laga qaado Imtixaan Mas’uuliyiinta Maaliyadda Soomaaliya si loo dardargaliyo Qorshaha weyn ee deynta Cafinta Soomaaliya.

Dhawan ayuu sheegay in ay aadi doonaan dalka Itoobiya oo ay kula kulmi doonaan Madaxda Hay’adda IMF si loo xoojyo qorshaha deynta Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Bisha labaad ee Sanadka soo socda laga fadhiisan doono qorshaha deynta Cafinta Soomaaliya, islamarkaana hadii deynta laga cafiyo Soomaaliya ay gaari doonto horumar weyn.

Ugu dambeyntii Waxaa ku baaqay in dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ay Wasaaradda ka taageeran qorshaha deynta Cafinta si deynta loo Cafiyo.