Taliska booliska oo ku dhawaaqay in hakiyay Shaqaddii Xarunta CID

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in 3 maalmood la hakiyay Shaqadda Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID si dib u habeyn loogu sameeyo, Maadaama Shacabka Soomaaliyeed dhibaato badan ay ku qabaan.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen ayaa sheegay in 3 maalmood Shaqadda Xarunta la hakiyay si looga jawaabo Cabashadda ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

Qeybta sidda gaarka ah loo hakiyay ayaa ah qeybta laga qaato Waraaqaha dambi la’aanta ah.

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen.