Wasiir Beyle oo hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa hortagay xildhibaanada Golaha Shacabka si uu uga jawaabo Su’aallaha ku aadan miisaaniyadda dowladda.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood ka leh ku noqoshada miisaaniyadda 2018.

Xildhibaanada ayaa su’aalo iyo talooyin la xiriira ku noqoshada miisaaniyadda 2018 soo bandhigaya.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulanka ku sugan oo ka jawaabaya su’aalaha xildhibaabada.