Dab ka kacay xarunta Wasaaradda Warfaafinta

Kooxda Dabmiska gobolka Banaadir ayaa  ku guuleysatay in ay demiyaan dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Mas’uuliyiinta Warbaahinta dowladda waxa ay sheegeen in dabkaasi uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.

Waxaa jira Khasaare soo gaaray Keydka Hadalka ee Radio Muqdisho, Waxaana Wasaaradda Warfaafinta ay sheegtay in ay waddo Baaritaano ku aadan Baaxadda Khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Maamulka Wasaaradda iyo Kooxda Gurmadka deg deg ah gaar ahaan dabdamiska ayaa si buuxda ugu guuleystay in ay dabkaasi ay baqtiiyaan, waxaana jira in ay gubteen qaar ka mid ah Canjaladihii Keydka ee Radio Muqdisho.