Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wararka ay heleyso waxa ay tibaaxayaan in qaraxyadii ka dhacay Muqdishao uu ku geeriyooday wariye caan ahaa oo ka tirsanaa Muuq baahiyaha Universal.
Wariye Cawil Daahir Salaad oo Tv-ga Universal ka tirsan & qaar ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga oo gaari wada saarnaa ayaa ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho gaar ahaan midkii koowaad oo ka dhacay afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaal waxaa goor dambe la helay meydka wariyaha iyo shaqaalaha kale ee Universal kadib in muddo ah oo la baadi goobayay.
Allaha u naxariistee wariye Cawil ayaa ku caan ahaa qabsahada doodaha siyaasada dalka looga hadlo, waxa uuna ku geeriyooday qarixii koowaad ee Muqdisho maanta ka dhacay.



