Waxaa xilligaan jira khilaaf u dhaxeeya xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kaas oo kala taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed & guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mamulkaas Canab Axmed Ciise.
Khilaafka Xildhibaanada ayaa salka ku haaya kadib markii dhawaan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu sheegay in kulamada baarlamaanka la soo xiray,hayeeshee taasi ay ka hortimid guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hir-Shabelle Canab Axmed Ciise.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa haatan ku sugan Baladweyne oo uu shalay gaaray,halka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Canab Axmed Ciise ay Maanta shir guddoomin doonto kulan ay Jowhar ku yeelanayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle.
Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ee ku sugan Magalada Jowhar ayaa Risaala u sheegay in guddoomiye Cusmaan Barre uusan xaq u laheyn xeritaanka kulamada,isla markaana Maanta kulan uu uga furmayo Magalada Jowhar.
Dhinaca kale waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku sugan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo la socda guddoomiye Cusmaan Barre,isla markaana qeyb ka ah xalinta xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii Yuusuf Dabageed.



