Duuliyihii diyaarada Daallo Airline ee qaraxa uu ka dhex dhacay Tallaadadii lasoo dhaafay ayaa ka hadlay qaraxa iyo amaanka garoonka diyaarada Muqdisho.
Qarax lala raacay diyaaradda Daallo ayaa ahaa labtop lagu xiray waxyaabaha qarxa, sida laga daawan karay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka garoonka diyaaradaha oo laga dhex helay seddex ruux oo isku wareejinaya Labtop.
Qaraxa ayaana dhacay 15 daqiiqo kadib markii diyaarada iyo rakaabka saarnaa oo gaaraya 74 ruux ka duuleen garoonka aadan adde, waxayna hawada ku jireen 11,000 oo feet, oo udhiganta qiyaastii 4 KM oo hawada ah sida duuliyaha diyaarada uu sheegay.
“Haddii aan hawada wax yar sare u gali laheyn diyaarada oo idil laga arki laheyn marka qaraxa uu dhaco kadib, balse meel dhow ayaan joognay”ayuu yiri Vlatko Vodopivec oo wareysi siiyay wakaalada wararka AP.
Duuliyaha Diyaarada Daallo ayaa shaaciyay in haddii ay wax badan hawada iyaga oo ku jiro qaraxa dhici lahaa iney sababi laheyd waxyeelo badan oo diyaarada soo gaara, balse diyaarada ayuu sheegay iney heer hoose ku socotay.
Taasi ayuu sheegay iney sababtay inuu si bad qab ahaan ah ugu soo dajiyo diyaarada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho “Diyaarada si caadi ah ayay ku socotay, matoorada iyo agabka kalana si wanaagsan u shaqeynayeen”ayuu yiri duuliyaha.
Qaraxa ka dhacay diyaarada ayuu sheegay inuu ku dhintay Cabdulaahi C/salaan Borle oo rakaabka kamid ahaa, waxaana meydkiisa laga helay deegaan ku dhow degmada Balcad oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho.
Duuliyaha diyaarada ayaa wareysiga uu siiyay wakaalada wararka AP wuxuu ku eedeeyay qaraxa diyaarada inuu u dhacay amni la’aanta garoonka iyo agagaarka diyaaradaha Muqdisho yimaada.
Amaanka garoonka ayuu aad u dhaliilay wuxuuna sheegay in markii ay diyaarada soo dajiyeen ay gudaha u galeen ku dhawaad 20 ilaa 30 ruux oo uu sheegay ineysan bar garan karin.
“Ma jirin qof xitaa wadatay dharka jaalaha ama gaduudka ah ee garoonka looga shaqeeyo, wey soo galayeen diyaarada weyna kasii baxayeen qofna ma garan karin qofka kale wuxuu yahay, wax walba ayayna gudaha diyaarada soo gelin kareen, markii rakaabka laga dajinayay”ayuu yiri duuliyaha diyaarada Daallo.
“The security is zero. When we park there, some 20 to 30 people come to the tarmac,” said Vodopivec, a veteran pilot who has made numerous flights to the airport. “No one has a badge or those yellow vests. They enter and leave the plane, and no one knows who is who … They can put anything inside when passengers leave the aircraft.”
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaana shaacisay in si adag loo adkeyn doono amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Shirkada Duulimaadyada Daallo Airline oo saldhigaeeda yahay magaalada Dubai ayaa si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, laakiin sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo bilaabi doono sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Yaasin oo maamulka shirkada kamid ah.


