Beledweyne-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya wadada isku xirta magaalada Beledweyne iyo degaanka Ceel-Jaale gar ahaan Buundo Koobaad, Cagaf-cagaf dad daabuleysay ayaa ku rogmatay halkaasi.
Rogmashada Cagaf-cagafta ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyada oo ku socoto si xawli ah ay dhexmartay biyaha soo fatahay ee wadada xiray, kuwaasi oo ah biyo aad u badan.
Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, oo soo gaaray qaar ka tirsan dadka shacabka ah ee saarnaa Cagafta.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah Sheekh si weyn looga garanayay magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada, halka dhinaca kalana ilaa iyo hada lagu la’yahay biyaha labo wiil oo dhalinyarro ah.
Todobaad ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale Cagaf-Cagaf ay la socdeen ku dhawaad 10 ruux ku rogmatay halka uu hada shilka uu ka dhacay, waxana ka dhashay khasaare kala duwan.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa joojiyay gadiidka maraya wadada ay biyaha gooyeen, waxaana ay sheegeen maamulka in ay qorsheeynayan in dooman sameeyaan si dadka loo badbaadiyo.



