Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Hotelka Jaseera ee Magalada Muqdisho waxaa kulankooda ay uga hadlayeen Arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa musharixiinta Madaxweynaha waxaa ay uga hadleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka iyo dhacdooyinkii dalka ka dhacay kadib shirkii ay dhawaan yeesheen, sida qaraxyada iyo hadalkii xanafta lahaa ee uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Shirkaan uu horudhac u yahay kulamo xariir ah oo musharrixiintu ay ku dardar gelinayaan dadaallada loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.
Warar kale ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Waraahinta la hadli doonaan, iyaga oo ka hadli doonan dhacdooyinkii dalka ka dhacay sidoo kalena ay jawaab ka bixinayaan hadalkii Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir.
Dhawaan shir muddo u socday Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay ku baqeen in la kala diro Guddiyada doorashooyinka sidoo kale uu xilka baneeyo taliyaha NISA, balse ilaa iyo hadda Villa Sooaaliya aysan ka jawaabin baaqa musharixiinta.



