Wararkii ugu dambeeyay kulamadda Caawa ka socda Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ay ka socdaan kulamo Siyaasadeed oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug.

Musharaxiinta Galmudug ayaa caawa ku jira loolan adag oo ku aadan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo maalinta berri ah lagu waddo in doorashadiisa ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiinta ay dowladdu wato iyo kuwa Mucaaraadka ah ayaa kulamo gooni gooni ah la leh Xildhibaanada si ay codkooda u helaan maalinta berri ah.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana qaar ka mid ah Musharaxiinta ay walaac ka muujiyeen sidda dowladda Soomaaliya ay u maamuleyso doorashadda Galmudug.