Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerar abaabulan oo Shabaab ay ku qaadeen Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
C/raxmaan Cilmi Jimcaale oo ah Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baraawe waxa uu u sheegay Warbaahinta in Shabaab ay Degmadaasi uga carareen meydka nin ka mid ahaa Kooxdii weerartay Degmada.
Waxa uu sheegay Shabaab inay iska caabiyeen, islamarkaana Khasaaraha uu soo gaaray dhanka ciidamada Shabaab ee weerarka ku soo qaaday Degmadaasi.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Xooga dalka ee Degmada Baraawe ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahiyo Khasaaraha dagaalka dhankooda ka soo gaaray.
Ilo wareedyo madax banaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Dowladda dagaalkaasi looga dilay Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya, islamarkaana Hal Gaari looga gubay.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe wuxuu xaqiijiyay Gaariga Cabdi Bilaha ah ee Shabaab ay gubeen, markii ay weerarka soo qaadeen xalay saqdii dhexe.
Weerarka ayaa ka dhacay dhanka Xeebta Saldhigyada ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda, wax gurmad ahna ciidanka kama aysan helin Xoogaga AMISOM ee difaacyada ku leh Degmada Baraawe.


