Muqdisho-RisaalaFM- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Dacwad ciqaabeedkii loo heystay Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo C/laahi Xasan Maxamed iyo Daahir Maxamed Maxamuud.
Labadan Askari ayaa lagu soo eedeeyay in ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska Degamada Howladaag ee Gobolka Banaadir halkaasi oo ay ku dileen Saacid Maxamuud Suufi oo ahaa Askari tirsan Ciidanka Ilaalada wadooyinka, iyaga oo dhaawacay Gaashaanle Salaad Faarax Xaashi oo ah Taliye xigeenka saldhiga Booliska Howlwadaag.
Maxkamadda markii ay dhageysatay marqaatiyaashii la horkeenay, ayna aragtay cadeymaha la xiriira dacwadan, waxay ku riday Labadan Askari xukun dil ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday labada Askari.


