Wararkii ugu dambeeyay dagaalka degaanka Shabeellow

Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal Al-Shabaab iyo dadka degaanka ku dhexmaray degaanka Shabeellow oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dadka degaanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo dadka degaanka horay looga barakaciyay.

Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay in hadda ay degan tahay xaaladda degaanka, islamarkaana meelihii lagu dagaallamay ay jooggaan dadka degaanka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay waddaan gurmad ku aadan sidii loo taageeri dadka degaanka, waxaana horay dhowr jeer degaankaasi ugu dagaallamay Al-Shabaab dadka degaanka.