Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka socda Magaalada Baraawe

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga.

Dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo uu kujiro hubka culus ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dagaalamaya ay yihiin kuwo u abaabulan hab Beeleed.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baraawe laga dareemayay xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dhawaan laga qaaday Baydhabo iyo kuwa Millateriga ee weligood ku sugnaa degmadaas.

KHasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana xiran inta badan Goobaha Ganacsiga Magaalada Baraawe.