Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degaanka Deeynuunay & khasaaro ka dhashay

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada katirsan kuwa xoogga dalka Soomaliyeed ee qeybta 60aad iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa Maanta ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo 25 KM dhanka bari kaga aaddan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ee degaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan qaatay, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab , isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen, hayeeshee Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay la wareegeen degaanka Deeynuunaay ee gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo degaanka Deeynuunaay, waxaana gaaray Ciidamo gurmad ah oo ka baxay dhinaca Magaalada Baydhabo, si ay Al-Shabaab uga difaacaan degaankaas.

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen lana wareegeen degaanka Deeynuunaay oo kamid ah degaannada laga ilaaliyo magaalada Baydhabo oo uu ku Shaqeeyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo katirsan dowladda Soomaaliya & kuwa Maamulka koonfur Galbeed.