Jose Mourinho ayaa la aaminsan yahay inuu l’heshiis qaali ah la sameeyay Gudoomiye ku xigeenka fulinta United, Ed Woodward kasoo uu ku noqon doono tababaraha xiga ee Manchester United. (Manchester Evening News)
Laakiin tababarihii hore ee Chelsea ayaa sahaminaya fursado kale haddii haddii uusan helin shaqada kooxda Old Trafford dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Guardian)
Mourinho ayaa kalasoo saxiixandoona daafaca Brazil Miranda, oo 31 jir ah, iyo weeraryahanka Argentina Mauro Icardi, oo 23 jir ah, kooxdiisii hore ee Inter Milan marka uu qabto Man United. (La Gazzetta dello Sport )
Manchester United ayaa kuysoo qadan doonta £ 60m weeraryahanka Borussia Dortmund ee Gabon Pierre-Emerick Aubameyang (Independent)
Newcastle ayaa seegtay saxiixa Aubameyang 2013, iyadoo 26-sano jirkaan uu doortay inuu u dhaqaaqo Dortmund. (L’Equipe via Newcastle Chronicle)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich iyo Chile Arturo Vidal, oo 28 jir ah, ayaa sheegay inuu iska diiday inuu u dhaqaaqo Manchester United (Times – Times)
Tottenham ayaa hogaaminaysa loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka £ 12m lagu qiimeeyo ee reer Belgium Laurent Depoitre,oo 27, jir ah kana tirsan Gent. (Daily Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Watford George Byers, oo 19 jir ah, ayaa ku dhow inuu u saxiixo kooxda reer Romania ee Rapid Bucharest.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle iyo Netherlands Georginio Wijnaldum, oo 25 jir ah, ayaa sheegay in safarka ay ku tagayaan La Manga oo Spain ay sii wadajir ah u soo dhaweynayaan ciyaartoyda. (L’Equipe, via Newcastle Chronicle)
Si kastaba ha ahaatee, safarkaan ayaa imaanaya iyadoo Kabtanka Magpies Fabricio Coloccini, oo 34 jir ah, garoomada laga saaray muddo bil ah. (Daily Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Oscar,oo 24 jir ah, ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Shiinaha, (Daily Express)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil iyo Liverpool Philippe Coutinho, oo 23 jir ah, ayaa sheegay in tababaraha Reds Jurgen Klopp uu isaga wax badan ka bartay (World Soccer, via Liverpool Echo


