Taliyaha howlgalada Ciidamada Galmudug C/kariin Maxamuud Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Galmudug ay gaareen degaano dhowaan ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah
Waxaa uu sheegay taliyuhu in ciidamada ay gaareen deegaan u dhaxeeya deegaanada Ceelhuur iyo Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in amaanka deegaanada ay hada maamulayaan ciidamada maamulka Galmudug.
Waxaa dhinaca kale uu tilmaamay in ciidamada amaanka Galmudug ay ku howlanyihiin sidii Al-shabaab ay kaga saari lahaayeen Koonfurta deeganada Mudug.
Isagoo intaa ku daray in dhowaan ay howlgaladaasi ay bilaabanayaan.
Dhowaan ayay ahayd markii Al-Shabaab iyo dadka deegaanka uu dagaal ku dhex maray meel u dhaxeysa deegaanada Ceelhuur iyo Camaara oo ka tirsan Mudug iyadoo amaanka hada ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Galmudug.


