Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay ay ka dhacday Duqeyn xoogan.
Duqeyntan ayaa la sheegay in ay fuliyeen Diyaarado ay wateen Ciidamo Ajaanib ah, kuwaas oo beegsaday fariisin koox ka tirsan Daacish ay ku leeyihiin Degmada Qandala.
Sida ay sheegeen Qaar ka mid ah dadka kunool Qandala duqeyntaasi , waxaana ka dhashay khasaare kala duwan , waxaana la sheegaya wali in ciidanka Kooxda Daacish ay gacanta ku hayaan degmada Qandala.
Xaalada Magaalada ayaa Saaka yara degan , waxaana la sheegaya in ciidanka Puntland ay wali kaabiga ku hayaan Magaalada Qandala.
in ka badan todobaad ayaa ciidanka Puntland waxa ay kaabiga ku hayaan Magaalada Qandala, walina uma suurta gelin in ay gudaha u galaan Magaalada oo muddo ku dhow 40 maalmood gacanta ugu jirto Kooxda Daacish.


