DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya “Trump wax kama sheegin dadka Soomaaliyeed”

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in Madaxweynaha cusub ee dowladda Mareykanka Donald Trump uu weerar Afka ah ku qaaday dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in Donald Trump uusan wax ka sheegin dadka Soomaaliyeed .

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka in ay yihiin dad heysta dhalashada dalkaasi ayna u banaan tahay  in Madaxweynaha Mareykanka uu wax ka sheego.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalka Trump ku macneeyay in uu wax ka sheegay Soomaalida haysta dhalashada Mareykanka ,laakiin Trump uusan waxba ka sheegin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Cusub ee dowladda Mareykanka ayaa horay ugu tilmaamay dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka in ay yihiin Argagixiso mayal adag.