Warar ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku magacabayo Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib ugu laabtay shalay magaalada Jowhar kadib markii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in uu 24 saacadood ee soo socota uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada xukuumadiisa iyadoo maalin qura ay ka harsan tahay waqtigii uu ugu daray Baarlamaanka Hirshabeelle inuu ku soo dhiso Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Golaha wasiirada cusub ee Hirshabeelle ayaa la filayaa in aysan ka soo dhex muuqan xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii uu Madaxweyne Waare uu sheegay in uu ka soo xulayo Golahiisa Wasiirada aqoonyahano aan ka mid ahayn xildhibaanada Hirshabeelle.