DHAGEYSO: Puntland oo ka digtay in xasarad laga abuuro Dekeda Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Puntland C/samad Samatar Jaafaan ayaa shacabka Puntland iyo siyaasiyiinta ugu baaqay iney xasarada ka daayaan Dekeda Puntland

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo hormarinta Dekeda Magaalada Boosaaso.

Agaasimaha ayaa faah faahin ka bixiyay qidmada lagu kordhiyay Dekeda Magaalada Boosaaso islamarkaan aan si qalad ah loo fasirin.

Waxa uu tilmaamay iney socdaan qorshaha lagu hormarinayo laguna dhameystirayo howlaha Dekeda Magaalada Boosaaso, isaga oo sidoo kale xusay in ay jiraan dad dano gaar ah wata oo doonaya sida uu sheegay in aysan hormar gaarin Dekeda Magaalada Boosaaso.

Waxaa muran iyo is qab qabsi ka taagnaa Dekeda Magaalada Boosaaso tan iyo markii Dekedaasi lagu wareejiyay Shirkada DP world oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata oo dhaliyay in muddo xayirnaa howlaha Dekeda Magaalada Boosaaso.