Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Maamuullada Puntland iyo Galmudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Waxaa bur buray Heshiis ay Magaalada Dubai ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug, kaas oo ku aadanaa in si deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Gaalkacyo.
Maamullada Puntland iyo Galmudug aya midba midka kale waxa uu ku eedeeyay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa saakay wada dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo, inkastoo weli xiisada colaadeed ay taagan tahay.


