Warar ku saabsan Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug in halkaasi maanta laga maqlay rasaas goos goos ah.

Rasaastan oo si gaar ah looga maqlay galbeedka Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u dhaxeysay Ciidamo kala taabacsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Dadka Internet-ka uga jira Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in is rasaaseynta u dhaxeysay labada dhinac aysan geysan wax khasaare ah oo ka dhashay.

Ciidamada labada dhinac ayaa dib loogu celiyey goobihii ay hory uga soo baxeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee labada dhinac.

Bishii September ee sanadkan ayay aheyd markii Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo, kadib mudo bil ka badan oo Ciidamada labada dhinac ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo.