Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xaaladeeda caawa waxa ay tahay mid degan, kadib markii maanta Magaalada uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare.
Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana sidaasi ku bur buray heshiis ay shalay wada gaareen Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay 1 Qof, sida ay Risaala u sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in xaalada caawa ay tahay mid degan, welina dhinacyadii dagaalamay ay is horfadhiyaan, markastana la filan karo Dagaal.
Dadka qaar oo rajo wanaagsan ka qabay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib u laabtay, maadaama uu markale bur buray heshiiska ay wada gaareen Labada Madaxweyne.


