Qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaada ka socota Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo Nabada Magaalada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay muhiim u tahay bulshada kunool Gaalkacyo.
Xubnaha Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay dagaalka joojiyaan oo ay nabada qaataan.
Xildhibaanada ayaa sheegay intii uu socday dagaalka Magaalada Gaalkacyo in ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug , waxaana dagaalkaasi ay waxyeelo ba’an kasoo gaartay dadka shacabka ah ee kunool Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.


