Warar ku saabsan Diyaarad qaadi rabtay Sheekh Shariif oo Muqdisho lagu xanibay

Ilo Wareedyo kala duwan ayaa Risaala u xaqiijiyay in Magaalada Muqdisho maanta lagu xayiray Diyaarad qaadii rabtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana uu doonayay in Muqdisho uu kaga gudbo Magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Diyaaradda oo aheyd mid Shacab ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u diiday in uu raaco Sheekh Shariif, waxaana dowladda ay ka dalbaday in qof Siyaasi ah aysan qaadi karin marka laga reebo Shacab sidda ay Risaala u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Sheekh Shariif ayaa dhowr Sacadood ku xayirnaa Garoonka Muqdisho qeybta loogu tala galay Madaxda, waxaana ugu dambeyntii diyaaradii qaadi rabtay ay ka go’aansatay in ay ka tagto, laakiin Jubbaland ayaa ku amartay diyaaradda in aysan imaan karin Kismaayo hadii aysan soo qaadin Sheekh Shariif.

Dhacdadan ayaa si weyn loo hadal haya Waxaana goobta hadda uu ku sugan yahay Sheekh Shariif kusii qul qulaya Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan.