Warar ku saabsan Aftida Dastuurka Turkiga

Dalka Turkiga waxaa maanta ka dhici doona afti loo qaadayo isbeddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi si awood balaaran loo siiyo madaxweynaha, lagana gudbo awoodda nidaamka baaarlamaanka ee hadda jirta.

Dadka Turkiga ayaa u muuqda ku kala qeybsan talaabadan, laakiin madaxweynaha Turkiga ayaa shalay dadka Turkey u sheegay in loo baahan yahay awood ballaaran oo madaxweynaha la siiyo si loog hortgo caqabadaha dalkan ku so wajahan.

Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ayaa si weyn loo Adkeeyay.

Hogaamiyeyaasha dalka Turkiga ayaa sheegay in u badan in dadka kunool Turkiga ay “Haa” ugu codeeyaan Aftida.