Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Magaalada Muqdisho ay yeelato Mustaqbalka Madax ay Shacabku soo doorteen.
Sidoo kale wasiir Juxa ayaa sheegay in Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir laga doonaayo in soo celiyo Sharaftii ay lahaan jirtay Muqdisho.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Wasiir Juxa in ay taageeraan maamulka gobolka Banaadir ,islamarkaana ay la shaqeeyaan.
Mudane Juxa ayaa tilmaamay hadii aan Shacabka laga helin taageero in aan waxba la qabankarin.



