Warar kala duwan oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay Bariga gobolka Mudug

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan deegaan lagu magacaabo jeexdin oo dhanka qoraxsin ka xiga magaalada Gaalkacyo.

Warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidanka maamulka Puntland iyo sidoo kale dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Jeexdin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in daryan rasaasta laga maqlaayay meelo badan oo ka tirsan gobolka Mudug.

Qaar kale oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale idaacadda Risaala u sheegay in dagaalka u dhaxeeyay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo kasoo kala jeeda deegaanka Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Wali majiraan war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo sidoo Galmudug oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Jeexdin.