War Murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Farmaajo iyo R/wasaare Desalegn “SAWIRRO”

Addis-Ababa-RisaalaFM- Madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u soo saaray War Murtiyeed la xiriira booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo shalay ku tagay magaalada Addis Ababa.

War Murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ujeedada booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ay ahayd mid lagu xoojinayay xiriirka u dhexeeya labada dal, iyadoo labada hogaamiye ay yeesheen wada hadalo miro dhalay ayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen arrimaha caalamka.

“Labada hogaamiye waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku wajahan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyagoo isku raacay in labada dhinacba ay raali ka yihiin xiriirkooda ayna sii adkeynayaan.” Ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Qoddobada muhiimka ah ee warmurtiyeedkan ku qornaa ayaa waxaa kamid ahaa.

In labada dal si xor ah dhaq dhaqaaq ganacsi uu dhex maro.

Dowlada Ethiopia ayaa soo dhoweysay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo sii xoojinta dagaalada ururka Al-Shabaab.

labada dal ayaa isku aragti ka noqday sidii loo xoojin lahaa dhismaha Ciidamada Soomaaliya loona diyaariyo in ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.

In ciidamada Booliska la xoojiyo isla markaana la kordhiyo la dagalaanka burcad badeeda ka soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya.

Iskaashi laga yeesho sidii Abaaraha loogaga hortagi lahaa.

In shirka London uu noqdo mid ay Soomaalidu leedahay iyo qodobo kale.

Waxaa lagu wadaa in wada hadalo dheeraad ah inay labada dhinac ku yeeshaan Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqashada uu ku tegey dalka Itoobiya waxa ay tahay markii labaad oo ay wada kulmaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Desalegn oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb gashay xafladii lagu caleema saarayay Madaxweyne Farmaajo.

 

Farmaajo 1q farmaajo 2q farmaaajo 3q farmaajo 4q