Muqdisho-RisaalaFM- Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa waxa ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Danwadaagta, sida ay sheegaan Dadka Degaanka.
Madaafiicdan ayaa Tiradooda waxaa lagu sheegay ilaa Saddex iyo Afar xabo, waxaana la sheegay mid ka mid ah in uu ku dhacay Guri ku yaalla halkaasi.
Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay Madaafiican in laga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyay Madaafiicdan ayaa waxaa ku geeriyootay Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Labo Qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha caafimaadka.
Dadkii ku dhaawacmay Hoobiyeyaashan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.
Lama oga halka uu ahaa Bartilmaameedka, balse hada uguma horeysa in Madaafiic ay ku dhacaan xaafado ka tirsan Degmada Wadajir.
Hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta ay Hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen.


