War Culus oo Hada Naga Soo Gaaray Magaalada Munich ee jarmalka

Laacibka Garabka weerarka kaga ciyaara naadiga Bundusliga ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inuu kordhiyay heshiiska uu kula jiray.

Wuxuu kooxdaan ku soo biiray sanadkii 2007 heshiiskiisa wuxuu dhacayay marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan laakiin Bayern Munich oo goordhow war cusub soo saartay ayaa sheegtay in xidigeeda Franck Ribery uu qalinka dul dhigay Heshiis naadiga uu kula joogayo ilaa iyo sanadka 2018.

33-jirkaan oo heshiiskiisa uu ku ekaa xili ciyaareedkaan ayaa maanta oo Axada qalinka dul dhigay heshhiis cusub.

Ribery wuxuu kaga soo biiray Bayern naaidga Marseille sanadkii 2007, wuxuu kula guuleystay 6-Horyaalka Jarmalka iyo koobka Horyaalada Yurub.

“Waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro FC Bayern sanad kale,” ayuu u sheegay Website-ka rasmiga oo kooxda ay leedahay.