Neymar Oo Shil Galay Iyo Messi Oo Goordhow Saxaafada La Hadlay

Xidiga Barcelona Neymar ayaa galay shil gaara maanta sida ay goordhow saxaafada Spain daaha ka qaaday.

Wararka laga helayo Spain ayaa sheegaya in laacibkaan Brzazil uu ku socday wadada garoonka tababarka kooxdiisa waxaana la sheegay gaarigiisa nuuca loo yaqaan Ferrari 458 Spider inuu shil la galay.

Weeraryahankii hore Santos ayaa doonayay inuu ku biiro saaxiibadiis isku diyaarinannaya kulanka La Liga clash ee Real Sociedad ay caawa la ciyaari doonaan.

Waxaa la tilmaamau in laacibkaan uusan soo gaarin wax dhaawaca isla markaana uu ku biiray kooxda tababarka ee Barcelona, wuxuu ka mid noqday goordhow Duulimaadka naadigiisa ku tageyso San Sebastian.

Leo Messi ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijiyay in saaxiibkii Neymar shil galay isla markaana ay jabtay miraayada hore ee gaarigiisa.