Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa loogu soo dhaweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyey maamulka degmada Carmo, kan gobolka Bari, qaar kamid ah Goleyaasha Puntland isimo, dadweyne aad u farabadan oo isugu soo baxay barxadda weyn ee Carmo, waxaana uu Madaxweynaha Puntland uga Mahadceliyey shacabka reer Carmo soo dhoweynta ballaaran ee ay ku qaabileen isaga iyo wefti giisa.
“Runtii maanta waa maalin taariikhiya, waa maalin farxad aad u weyn, waa maalin aan malaynaayey inaan tanoo kale arko soo dhoweynta ballaaran ee magaalada Carmo u samaysay aniga iyo weftigayga, waxay muujinaysaa dowladnimo jacayl, waxay muujinaysaa diyaar garawgii in dalkani hore u dhaqaaqo, waxay muujinaysaa doonista dadka reer Carmo ee dowladdoodu inay taabagasho iyo sidii looga bixilahaa habacsanaanta dhacday.
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida meelkastay joogaan, siday marwalba ugu heelan yihiin inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, socdaalkayagii Garoowe illaa iyo Carmo waxaa muuqanaysey inay har iyo habeen meel walba ka hawlgelayeen, iyadoo aynu ognahay duruurfta adag ee ay ku shaqaynayaan, waxaan balan qaadayaa in ahmiyaddeeda koowaad, labaad iyo sadexaadba noqondoonto daryeelka ciidamada, sugidda amniga iyo horumarinta bulshada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.



