Bambo Gacmeed lagu weeraray Saldhig ku yaalla Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, koox hubeysan ayaa caawa bambo gacmeed ku weerartay xarunta saldhigga Laanta Towfiiq

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii cishaha kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka xarunta saldhiga kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Ciidanka Saldhigga ku sugnaa ayaa la sheegay in aysan soo gaarin waxyeelo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.