Wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga ee Puntland Cabdi Cali Xersi ayaa gaaray degmada Garacad ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay kusugan yihiin ciidamada maamulka Puntland.
Wafdiga wasiirka oo ay kamid yihiin saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Garacad ee gobolka Mudug.
Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay in wafdiga wasiirka amniga Puntland ay usii gudbi doonaan deegaanada dagaalada ay ka dhacayaan ee furumaha ah.
Deegaanada Mudug ayaa ahaa goobihii ugu horeeyay oo Alshabaab ay ku tageen doomo dheereeya, waxayna kaga sii gudbeen deegaano ku yaala Nugaal iyo Bari.
La soco waxii kusoo kordhaa safarka wafdigan


