Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo kusii jeeda Gobolka Hiiraan

Waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo safar shaqo u aaday magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka wafdiga ay hoggaamineysa Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee degmada Buulo-Burde ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladdaha Bini’aadanimo ee halkaasi ka jira.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa waxaa la filayaa inay inay kulamo kala duwan la qaadato Maamulka degmada Buulo-Burde iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si wax looga weeydiiyo xaaladda bani’aadanimo ee kajirta degmada.