Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda gargaarka maareynta & musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Hr-Shabelle, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mahad Xasan Cusmaan & Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan & xubno kale.
Wasiir Khadiijo oo degaan doorashadeedu tahay Magaalada Jowhar ayaa la filayaa inay la kulanto Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, sidoo kale ay goobjoog ka noqoto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dhaceysa Maalinta Arbacada ah.
Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda tagaan wafdiyo kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka & Maamul goboleedyada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.



