Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Ksimaayo waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Diini).
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.
Ujeedka wafdigan ay u gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu sheegay sidii isku dhaf loogu sameyn lahaa Ciidanka iyo arrimo kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland.


